Wasiirka amniga iyo Tuuryare oo ka baaqday iney baarlamanka hortagaan

0

Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Max’ed iyo taliyaha nabad sugida Jen. C/raxmaan Tuuryare ayaa mar kale ka baaqday maanta iney hor tagaan xildhibaanada Baarlamanka Somalia. Warqad cudurdaar ah oo uu soo qoray wasiirka ayaa codsaday in illaa maalinta Talaadada dib loogu dhigo imaanshihiisa sababo la xiriira shaqooyin adag oo uu hayo. Ajandihii Baarlamaanka ee maanta oo ahaa in Warbixino laga dhageysto Wasiirka Amniga Qaranka & Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida, General C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa markii ay baaqdeen waxay Xildhibaanadu guda galeen inay ka doodaan arrimaha amniga Xildhibaanada qaarkood ayaa muujiyay sida ay kaga caroodeen hadal maalintii Sabtida ka soo yeeray Wasiirka Amniga, oo ahaa inta Baarlamaanka Somalia uu ku dhegan yahay sharciga la dagaalanka argagaxisada, ay macquul tahay inay sii socdaan weerarada. Xildhibaan Maxamed C/llaahi Fadhaye oo ka qayb qaatay doodaasi ayaa su’aal iska weydiiyay waxa lagu dhaqmi jiray, ka hor sharciga la dagaalanka argagaxisada, ee Xukuumaddu u soo gudbisay Baarlamaanka. “Xukuumadda mar dhow ayey soo gudbisay sharcigan la dagaalanka argagaxisada, ka hor maxaa lagu dhaqmi jiray? Maalin kasta waxaan Warbaahinta ka aragnaa in la toogto niman ka tirsan Al Shabaab, muxuu yahay sharcigaasi lagu qaado argagaxisada? Wasiirka Amniga waxba yuusan ku marmarsiyoon ansaxinta sharciga la dagaalanka argagaxisada.” ayuu yiri Mudane Fadhaye. Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad Baarlamaanka Somaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo kulankii maanta shir guddoominaayay, ayaa laamaha ammaanka ugu yeeray inay adeegsadaan Xeerka Ciqaabta Somaliyeed, illaa iyo inta uu Baarlamaanku go’aan ka gaaraayo sharciga la dagaalanka argagaxisada.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here