Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo kulamo isdabajoog ah la leh Qurbejoogta Maraykanka

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo socdaal ku maraya dalka Maraykan ayaa kulamo isdabajoog ah la leh Qurbejoogta Sool iyo Sanaag iyo kuwa Puntland. Wasiirka ayaa iminka ku wareegaya Gobolada Dalka Maraykanka, gaar ahaan degaanada ay Qurbajoogtu ku badan yihiin. Wasiirku wuxuu kulamo la yeeshay Qurbejoog badan oo ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag oo horey u aaminsanaa fekradaha Cali Khaliif Galaydh oo iminka u muuqday kuwo ma dhalays ah, oo maalinba maalinta ka dambeysa soo oodmaya. Socdaalka Axmed Karaash ayaa la filayaa inuu awdo ilihii uu Cali Khaliif dhaqaalaha ka heli jiray, waxayna u egtahay in socdaalkani uu weecin doono qurbejoog badan oo taageersanaa Odayga Cali oo hada ku gadoonsan Balicad. Si kastaba hayska ahaatee socdaalka Axmed Karaash ayaa la dhihi karaa mid guul ku soo geba geboobaya oo bar bilow u ah isu soo dhoweynta shacabka SSC iyo Puntland oo beryahanba sii kala jeeday. Isha Warka xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here