Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boston

0

Wasiirkaa Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo beryahanba socdaal shaqo ku marayey dalka Maraykanka, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Boston. Xaflad ballaaran oo dhacday maalintii Axada 22.nov ayaa waxaa Soo dhoweynta Wasiirka ka qaybqaatay dhamaan jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan degaamadaas. Xaflada ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey Wasiir Kuxigeenkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Puntland Cabdi Qawdhan Warsame (Cabdi Halas), oo isaguna degan Boston. Axmed Karaash oo munaasibada ka hadlay ayaa u mahadnaqay jaaliyadaha Puntland, isagoo kula dardaarmay midnimada iyo dib u heshiinta. Wasiir Axmed ayaa socdaalkiisa xooga ku saaraya wacyigelinta Qurbajoogta Puntland gaar ahaan kuwa degaamada SSC.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here