Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Odawaa oo tegay Magaalada Jowhar

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wefti uu hogaaminay ayaa maanta waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhaxe. Wafdigan oo isugu jira Wasiiro, gudoomiyeyaal ayaa waxay ula jeedkoodu yahay u kuurgelida diyaargarowga loogu jiro shirka maamul u sameynta Goboladda Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo la filayo inuu ka furmi doona Jowhar. Diyaarad Nuuca Helicopterka ah ayaa wasiiradan waxa ay ka dajisay garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka Gobolka Sh/Dhaxe oo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolkaasi ee Cali Guudlaawe. Waxaana Munaasabad lagu soo dhaweenayay weftiga loogu sameeyey xarunta Gobolka, waxaana munaasibadaasi dadweynaha kula hadlay qaar kamid ah Weftiga Jowhar. [gallery columns="4" td_gallery_title_input="Odawaa Jawhar" ids="4584,4585,4586,4587"]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here