Wasiirka Biyaha Somaliland oo laga hor Istaagay inuu ka qayb galo Shirkii Golaha Wasiirada

0

Wararka hadda na soo gaadhay ayaa sheegay in Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Beeshe Cali Jaamac saaka laga hor istaagay in uu ka qayb-galo shirkii khasmiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wasiir Baashe ayaa la sheegay in laga hor istaagay inuu galo qasriga Madaxtooyada Saaka, xili uu wasiirku doonayey inuu ka qayb-galo shirkii saaka oo khamiis ah oo ay golaha wasiiradu ku lahayeen qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaana la sheegay in askarta ilaalada ka ah Madaxtooyada Somaliland ay wasiirka u sheegeen in lagu wargeliyey in aanu soo geli wasiirku shirka, waxaana xusid mudan in wasiirka iyo ilaaladiisa debada laga celiyey. Weli wax faahfaahin ahi kama soo bixin sababta Wasiirka Shir looga hor istaagay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here