Wasiirka Gudaha Puntland oo soo dhoweyn kala kulmay Jaaliyadaha SSC ee USA kana wacyegelin doono fidmada kooxda Balicad

0

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa habeen hore 28.10.2015 gaadhay cariga Maraykanka halkaas oo jaaliyadaha Puntland si diiran ugu soo dhoweeyeen. Wasiirka ayaa mudada uu joogo wuxuu kulamo la yeelan doona Jaaliyadaha SSC oo uu doonayo inuu ka wacyi geliyo sheekooyinka ma dhalayska ah ee Cali Khaliif iyo Kooxdiisu la dhuumaalaysanayaan xuduudka Itoobiya. Axmed Karaash ayaa ah Madaxweynihii hore Khaatumo, isagoo ka leexday markuu arkay hadimada iyo daacad darada ku hoos jirta iyo sida ay dad gaar ahi u doonayaan inay ku xoogsadaan magaca shacabka Goboladda SSC. Axmed Karaash waa Masuulka ugu sareeya ee Goboladda Sool iyo Sanaag kaga jira Maamulka Puntland, halka uu Madaxweyne kuxigeen Camey ka soo jeedo Buuhoodle iyo Kilinka 5aad ee Ethiopia. Wixii wara ee ka soo kordha kala soco www.goojacade.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here