Wasiirka ka tirsan Galmudug oo lagu weeraray Cabudwaaq iyo ahlusan oo sheegay inay la dagaalamayaan Alshabaab iyo Damjadiid

0

Kooxo hubeysan ayaa maanta weerar ku qaaday hoyga uu Magaalada Caabudwaaq ka degan yahay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maamulka Galmudug, C/ladiif C/laahi Warsame (Gacamey), kuwaas oo iska caabin kala kulmay ilaalada Wasiirka. Dagaalka ayaa khalkhal ku abuuray ammaanka guud ee Magaalada Caabudwaaq, iyadoo markii dambe ay kala dhex galeen Odayaasha Dhaqanka, inkastoo aynaan wax natiijo ihi ka soo bixin. Warku waxay sheegayaan inxaaladda Magaaladu kacsan tahay, islamarkaana ay u kala xiran tahay Maamulada Galmudug & kooxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka G/dhexe ee Ahlusunna Xasan Maxamuud  Gaboobe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii Saaka ka dhacay  Degmada Caabudwaaq uu u dhexeeyay Maamulkooda iyo shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab oo laga soo abaabulay Cadaado waa siduu hadalka u yiriye. Ahlusuna waxay sheegeen inay Alshabaab iyo Dam-jadiid kula dagaalamayaan magaalada Caabudwaaq.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here