Wasiirka Madaxtooyada SL ” idin gumaysan mayno awooweyaasheena isma gumaysan

0

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi iyo wefti uu hogaaminayo oo ku sugan degmada Xuddun ee Gobolka Sool ayaa maanta khudbado kala duwan ka jeediyey Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada. Wasiirka Madaxtooyada ayaa jeediyey hadal kaga cadeysiiyey dadweynihii goobta isugu yimid kaas oo ahaa “IDIN GUMAYSAN MAYNO, AWOOWEYAASHEENA ISMA GUMAYSAN, DAD LA GUMAYSTONA MA TIHIDIN, SOMALILANDNA WAAN WADA LEENAHAY” hadalkaas oo dad badani u arkeen faan iyo hanjabaad iyo inaan kelmada gumaysi meesha qaban, waxayna muujinaysaa dad laga adkaaday oo la qabsaday oo la soo dhoweynayo, waxayna meesha ka saaraysaa oo mugdi gelinaysaa in Somaliland la wada dhistay, iyadoo lagu wada raali yahay, oo loo wada dhanyahay, cidna aan xoog lagu maquunin. Kelmada ah IDIN GUMAYSAN MAYNO ayaa meel ka dhac ku ah dhamaan shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, sidoo kale isma qabato waxbaa lawada leeyahay iyo idin gumaysan mayno. Qaar ka mid ah wasiiradii weftiga iyo Kulmiye ayaa shacabka ugu maaqay inay Kulmiye taageeraan, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa “la socda cida wax idiin qabatay waa Kulmiye, Kulmiyeynu nahay, ee laabta ku haysta”. Ololaha noocan ah ayaa ka soo horjeeda heshiiskii Xisbiyada Somaliland ee ahaa in la sugo waqtiga ololaha. Si kastaba hayska ahaatee maanta waxaa Magaalada Xuddun laga furay 3 mashruuc oo la dayactiray oo kala ah, Dawlada Hoose, Booliiska iyo Garoonka Ciyaaraha, sidoo kale waxaa la dhagaxdhigay Maxkamada Degmada, Ceelka Biyaha ee Manqo iyo Xarun Caafimaad. Degaamadan oo aan horey wax loogu qaban ayaa hada u muuqday inay ka qaybgelayaan diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland, taas oo ku kaliftay in Xukuumada iyo Xisbigeedu ay xooga saaraan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here