Wasiirka Xanaanada Xoolaha Khaatumo oo Cali Khaliif ugu baaqay in uu iscasilo

0

Qaar kamid ah wasiirada maamulka Khaatumo ayaa kacdoon culus waxa ay ka dhigeen deegaanka Balicad ee gobolka Cayn oo dhawaan uu kusoo gaba gaboobay shir weynihii u dhaxeeyey gollaha kala duwan ee maamulka Khaatumo. Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee maamulka Khaatumo C/risaaq Cawil Bacaluul ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh in uu is casilokadib fashil uu kala kulmay hanaankii loo igmaday ee maamulka Khaatumo sida uu sheegay. Wasiir Bacaluul ayaa sidoo kale ka hadlay arimo ay kamid yihiin gudida gacan ku rimiska ah ee Cali Khaliif uu u xil saartay wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo iyo arimo kale oo ay kamid yihiin xoreynta deegaanada SSC, waxaana uu sheegay in gudidaasi ay tahay mid Cali Khaliif uu isagu gacantiisa ku samaystay. Daawo Videogan https://youtu.be/sr8sqWRQi7o]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here