Weerar culus oo caawa lagu qaaday London, dad badan oo dhulka daadsan

0

London (Goojacade News) – Waxaa la rumeysan yahay in dad badan ay dhinteen qaarna ay dhaawacmeen kadib markii baabuur uu dad ku jiray, qaarna lagu weeraray mindi agagaarka buunda London ee magaalada London, sida ay sheegeen booliiska Britain. Booliiska ayaa sheegay inay ka jawaabeen markii baabuur nooca Van-ka uu dad badan ku jiiray bartamaha London. Waxaa la xaqiijiyey illaa saddex nin oo midkiiba uu wato mindi dhererkoodu yahay 12 inch inay fulinayeen weerarka, oo ay dadka beegsanayeen. Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkeen dad badan oo dhulka yaal oo aan nuuxsaneyn. Illaaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca. Sidoo kale koox mindi ku hubeysan ayaa la sheegay inay dhowr qof surka ka jareen, qaarna ay siyaabo kale mindi ula dhaceen. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in sidoo kale la maqlay rasaas dhaceysa, inkasta oo aysan caddeyn haddii rasaastan iyo weerarka baabuurka ay wada xiriiraan. Weerarakan ayaan la ogeyn waxa uu yahay, hase yeeshee waxay u badan tahay inuu yahay ficil argagixiso oo kale oo mar kale lagu qaaday dalka Britain. Toddobaadkii tagay ayaa waxaa weerar qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Manchester lagu dilay 23 qof, waxaana lagu dhaawacay in ka badan 64 qof. Warkan oo iska soo daba dhacaya, faahfaahin gadaal ka filo Insha Allah. Goojacade.com Xafiiska London Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here