Weerar Muqdisho ka dhacay 2 turki ah iyo 4 Somali ah oo ku dhimatay

0

Kooxo hubeysan oo saarnaa gaari gaari nooca mini-baska ah ee caasiga loo yaqaan ayaa weeraray gaari ay saaraayeen shaqaale ka tirsan isbitaalka Turkiga maamulo ee Deva ee magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaasi ku dhintay labo Turki ah iyo afar Soomaali oo isugu jiray darawalka, turjubaan iyo ilaalo. Weerarka ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan wadada taleex, waxaana weerarkaan ku dhaawacmay afar oo shaqaalaha Turkiga ka mid ah. Weerarka oo kedis ahaa ayaa la sheegay inay geysteen koox hubeysan oo rasaas xoog leh mar qura ku asqeeyay gaariga Turkiga siday, waxayna si degdeg ah uga baxsadeen goobta. Ciidamada dowladda ayaa goobta gaaray kadib weerarka, waana weerarkii ugu xumaa oo mar qura qasaare intaas la eg ka soo gaaraan shaqaalaha Turkiga ah ee ka shaqeysta magaalada Mudisho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here