Weerar toogasho oo ka dhacay Mareykanka

0

Booliska magaalada Orlando ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in toogasho ay ka dhacday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taala magaaladaasi. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in ugu yaran 20 qof la dhaawacay isla markaana ninkii dambleyda ahaa ee weerarka ka dambeeyay uu qafaashay dad. Muuqaallo lagu daabacay barta xiriirka bulshada ee Twitter-ka ayaa muujinayay dad dhaawac ah oo lagu daweynayo bannaanka goobta uu weerarka ka dhacay. Weerarkani ayaa dhacay saacadihii hore ee saaka. Booliska ayaa tan iyo xilligaasi qarxiyay walxo qarxa oo halkaasi laga helay. Waxa ayna sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here