WEERARKA MASJID KU YAAL CANADA OO TODDOBA QOF KU DHINTEEN 15 KU DHAAWACMEEN

0

CANADA; koox hubaysan ayaa xalay salaadii makhrib wakhtiga Canada weerar u geystay masjid ku yaal magaalada QUEBEC, waxaana falkaas ka dhashay dhimasho Toddoba qof iyo shan iyo toban dhaawac ah. Dadka waxyeelada loo geystey ayaa dhamaantood muslimiin ahaa tukanayeyna wakhtiga weerarka loo geystey salaadii makhrib. Kooxaha weerarka geystey oo lagu sheegay in ay ahaayeen 3 qof ayaa goobta ka baxsaday walow ay dawladdu sheegtay in ay falkan u qabatay labo qof oo mid iskiis isugu dhiibay Booliska. Dawladda Canada ayaa falkan ku tilmaantay fal Argagixiso oo loo geystey muslimiinta degan Canada. Masuuliyiinta Canada ayaa falkan ka tacsiyeeyey iyagoo sheegay in Canada ay sinaansho iyo xurmad u hayso diimaha oo dhan. Falkan ayaa kusoo beegmaya xili maamulka cusub ee Maraykanka uu muujiyey nacayb uu Muslimiinta u hayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here