Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la soo afjaray weerarkii xalay lagu qaaday makhaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, halkaasoo sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee dawladda Soomaaliya ay 9 qof ku dhinteen. 9ka qof ayaa la sheegay in ay isugu jireen shacab, askarta dawladda iyo dableydii weerarka qaadday. Sida ay ciidamada booliska sheegayaan, waxay qabteen qof ka mid ah kooxdii weerarka qaadday oo dhaawacmay, kaasoo hadda su’aalo la weydiinayo. Xalay markuu weerarka bilaabanayay maqaayadda dad badan ayaa fadhiyay. Qaar ka mid ah dadkaas daaqadaha ayey iska tuureen, halka qaarka kalena ay darbiyada ka boodeen.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.