Wefti Caato ah iyo shir caato ah oo Awrboogeys ka socda

0

Magaaladda Awrboogays oo la filayey inuu ka qabsoomo shirweyne ay ku wada hadlayaan Beesha Maxamuud Barri ee Dhulbhante iyo Somaliland ayaa waxaa soo gaadhay wefti caato ah oo aad uga hooseeya weftigii laga sugayey inuu Somaliland ka yimaado. Wadahadalka ayaa horey qabanqaabiyaasha shirku u sheegeen inay ka soo qaybgelayaan Madaxda Somaliland ugu sareysa, Xisbiyada, Goleyaasha, iyo Madax-dhaqameed kale, laakiin waxaa yimid wefti aan gaari karin goaan siyaasadeed oo ka kooban Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirka Warfaafinta Cadaani Saxardiid, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda beellaha ay deriska yihiin beeha Maxamuud Barri, sidoo kalena ah beelaha boobay kuraasta Dhulbahante ee Baarlamaanka. Arintan ayaa waxay mugdi gelisay ujeedadii shirka iyo wixii laga filayey. Qaar ka mid ah cuqaasha beesha ayaa saluugmo weyn ka muujiyey arintan iyo sida loo fududeystay wadahadalkii Maxamuud Barri iyo Somaliland, inkastoo la hadal hayo dhaqaale lagu furfurayo Cuqaasha si ay u saxeexaan waraaqo been abuur ah oo la doonayo in lagu sheego rabitaankii shacabka Maxamuud Barri. Weli ma jirto wax shirweyne ah oo furmay oo ergooyinka isugu yimaadeen, waxaase la sugayaa in maanta dad shacab ah oo la soo abaabulay laysugu yeero hoolka, islamarkaana cuqaasha la soo fariisiyo oo lagu dhawaaqo inuu shirkii furmay, si saxaafadu u sii deyso. Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in shirkii Maxamuud Barri iyo Somaliland isu bedelay olole loogu adeegayo Xisbiga Kulmiye. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here