Wiil uu dhalay Trump oo weerarary Sadiq Khan kana careesiiyay shacabka Britain

0

Waagaas Khan wuxuu hadalkaas jeediyay wax yar uun ka hor intii uusan la kulmin duqa magaaalada New York, Bill De Blasio, malintii ay saddexda qarax ka dhaceen magaalada New York City iyo magaalooyinka u dhaw kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 29 ruux. Weeraradaas habeenno badan ayay hurdo la’aan igu rideen ayuu yiri Khan, isaga oo ka fikiraya halista soo wajahaysa magaalooyinka waawayn ee reer galbeedka sida New York iyo London. Markii uu weerarkii Arbacadii dhacay ka dib duqa magaaladu wuxuu sheegay in argagixisadu aysan u cagojuglayn karin dadka reer London, dadkuna ay meel uga soo wada jeedaan kuwa doonaya in ay waxyeello u gaystaan. Twitterka wiilka Trump waxaa ka carooday dad badan oo reer Britain ah kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Wes Streeting oo sheegay in ay wax laga xishoodo tahay in si xun loo adeegsado masiibada dhacday. Khan oo ah qofkii u horeeyay oo muslim ah ee duq magaalo ka noqda magaalada London ayaa horay u weeraray Trump, bishii koobaad ee sanadkanna xayiraadii socdaalka ee uu Trump soo rogay ayuu ku tilmaamay “wax laga xishoodo oo ciqaab ah” Sanadkii horena Trump ayuu ku eedeeyay “in uu jaahil ka yahay” Islaamka¬†Trump oo arrintaas ka jawaabayana wuxuu dalbaday in labadoodu ay galaan imtixaan dhanka garaadka ah. Wiilka u wayn wiilasha Trump oo hadda maamula ganacsiga aabihii oo aan wax door ah ku lahayn Aqalka Cad ayaa hadda ka hor lagu eedeeyay laablakac. Intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada ee aabihii wuxuu la kulmay dhaleecayn wayn ka dib markii uu qaxootiga Suuriyaanka ah ku tilmaamay in ay la mid yihiin macmacaanka Skittles loo yaqaanno oo qurmay, isaga oo markaas qiil bixin ka dhigaya si aan qof ka mid ah loogu ogolaanin in uu galo gudaha Maraykanka. Wax war¬†ah oo kale kama uusan soo saarin Twitterka uu Khan ka qoray, wargeyska New York Times-na wuxuu u sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu ka hadlo Twitter kaste oo uu qoro. Xigasho BBC]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here