Xabaal wadareed laga helay meel ku dhow magaalada Moosil

0

Ciidamada dowladda Ciraaq waxay sheegayaan inay heleen xabaal wadareed kale oo ay ku arkeen deegaan ay dhowaantan Daacish ka qabsadeen. Weriyayaasha waxaa la tusay goob mar hore laga guuray oo looga shakinayo inay maydad ku jiraan. Goobta ayaa ku taalla tuullada Tall Adh-dhaba, oo ah dhanka bariga Moosil. Haraaga lafo bini-aadam iyo fooqa rasaasta ayaa goobtaasi oo dhan ku daadsan. Dadka deegaanka waxay sheegayaan in qiyaastii 40 qof oo ka mid ahaan jiray ciidamada amniga, oo gacanta u galay daacish loo maleynaayo in halkaasi lagu dilay. Maamulka dalka Ciraaq wuxuu hadda baarayaa xabaal-wadareed kale oo isbuucii hore laga helay magaalada Hamam al-Calil. Waxaa loo maleynaayaa in xabaashaasi lagu aasay illaa 300 oo qof.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here