Waddamada caalamka ee taageera Suuriya ayaa qabsaday muddo isbuuc ah oo kama dambeys ah oo ay tahay in ay ku gaaran xabbad joojin. Xabad joojinta aya alagu wadaa inay ka dhaqangasho guud ahaan dalkaasi Suuriya, Waxa ayna wadamadan ku heshiiyeen tallaabo looga hortagayo in halkaasi ay ka dhacdo musiibo bani’aadanimo. Arrintaasi ayaa waxaa magaalada Muikh kaga dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry iyo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov. Balse Ruushka ayaa isagu sheegay inuu sii wadayo duqaymaha uu ku hayo goobo qaas ah oo ay ku sugan yihiin jabhadaha qaar. Xaaladda bani’aadanimo ee dalka Suuriya ayaa aad looga dayrinayaa gaar ahaan deegaanka magaaladda Xalab Colaada dalka Suuriya waxaa ku lug leh dhowr wadan oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.