Xaglotoosiye Buuhoodle miyaa looga adkaaday mise wuu ku biiray Federalka

0

Magaalada Buuhoodle waxaa beryahanba ku sugnaa Xildhibaano ka socda Dawlada Federaalka Soomaliya, kuwaas oo kulamo la yeeshay Bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoo kala hadlayey adkeynta midnimada Soomaaliweyn iyo Maamul sameynta Khaatumo iyo Maakhir. Sidoo kale Magaalada Buuhoodle waxay xarun u noqotay kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galeydh oo iminka ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyey ee mideynta Khaatumo iyo Maakhir, wuxuuna shirar aan kala go lahayn kula jiraa qaar ka mid ah bulshada degaanka. Dhanka kale Magaalada waxaa ku sugan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglotoosiye oo ah ninka ku faani jiray in Buuhoodle ay isaga gacanta ugu jirto, doorashaduna ka dhacayso, aqoonsiga Somalilandna uu keenayo. Wararka laga helayo Buuhoodle waxay xaqiijinayaan in Wasiir Xaglotoosiye wax dhaqdhaqaaqa ah ka wadin degmada oo uu ku egyahay guriga uu ka degan yahay. Hadaba Suaasha isweydiinta mudani waxay tahay: Xaglotoosiye miyaa Buuhoodle looga itaal roonaaday oo danbaa meesha dhigtay, mise wuxuu ku biiray kooxda Federaalka iyo Khaatumo ee Magaalada haysta, mise hadalkii Muuse Biixi sheegay ee ahaa nimaan taageero iyo cod haysan qaadan maayo ayaa run ahaa, oo wixii awood wasiirku sheeganayey waxba kama jiraan. Jawaabta suaashan waxay u taalaa Wasiir Xaglotoosiye inuu ficil u muujiyo. Xigasho: xaysimo.c]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here