Xaglotoosiye oo is labo rogay iyo Cali Khaliif oo Balicad hogaanku ugu go’ay

0

Sida umadda Soomaaliyeed ka wada dheragsan tahay Cali Khaliif oo ah aqoonyahan dib u socodnimo ku caan baxay, wuxuu dib ugu laabtay goobtii uu taagnaa 60 sano ka hor, wuxuu ku soo ururay lafhoose. Wuxuu khasaareeyey cashuurtii umadda Soomaaliyeed ee uu wax ku bartay, wuxuu ka baaqsaday kaalintii laga filayey oo ahayd inuu shacabka uga faaiideeyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa. Wuxuu ku fashilmay maamulkii uu boobay ee Khaatumo, isagoo sameystay waxaan loo dhamayn, mana uusan garan wixii aad khaladay dib u sax. Hada Beesha SSC waxay kala noqotay Kalsoonidii ay ku qabtay, wuxuu ku dhuumalaysanayaa Xuduudka Ethiopia iyo Soomaaliya. Habeenkii wuxuu u hoydaa Buul, wuxuu barkadaa waraaqo uu rabay inuu Hargeysa la aado, wararku waxay sheegayaan xubno badan oo uu doonayey inuu gudiyo ka dhigto inay diideen. Waxaa isna hungo iyo gacmo madhnaan uga soo korodhay shir uu rabay inuu dhibaatadii Qorilay uga faaiidaysto oo Isimadu SSC isugu yimaadaan si loo samata bixiyo. Dhanka kale Magaalada waxaa musharaxnimadiisa Madaxweyne kuxigeenimo ee Xisbiga Kulmiye kaga dhawaaqay Saleebaan Ciise Kaar Xaglotoosiye, taas oo lid ku ah hamigii Cali Khaliif. Hadii Xaglotoosiye iyo Cali Khaliif lays barbar dhigo waxaa degaanada SSC miisaan ku leh oo ku taageero badan Xaglotoosiye, halka qaadashada iyo la hadalka Cali ay Somaliland u keenayso in degaano hor leh oo iminka degani ay Somaliland ka hor yimaadaan, iyadoo durba ay qaar degaanada ka mid ahi ay bilaabeen is abaabul. Musharaxnimadda Xaglotoosiye iyo hadii la doortoba waa astaan muujinaysa in Cali Khaliif uu mar kale ku hungoobi doono Somaliland. Maaha markii ugu horeysay ee Cali Khaliif soo hoomaayo Somaliland oo uu hadana ku hungoobo, horey wuxuu hoomaayey oo ku hungoobay Shirkii Burco ee 1991, markii labaad wuxuu hoomaayey oo jab ka raacday shirkii Borame oo uu doonayey in Somaliland yeelato Madaxweyne iyo Raiisalwasaare oo ah jago uu Cali jecel yahay. Si kastba hayska ahaatee xaalada Cali ayaa hada maraysa “GORAYOOY GABAL KUU DHAC” waxaana hogaanku ugu goan yahay degaanka Balicad, iyadoo ay ka kala yaaceen kooxdii uu urursaday, qorbejoogtuna ay ka jareen dhaqaalihii uu ku seexan jiray Hoteelada Xamar iyo Tigidhada diyaaradaha. xigasho xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here