Xaglotoosiye oo qarka u saaran inuu ka noqdo musharaxnimadiisii Madaxweyne kuxigeenka Kulmiye

0

Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo dhowaan isu sharaxay jagada Madaxweyne kuxigeenimada ee Xisbiga Kulmiye ayaa la sheegayaa inay la soo deristay xaalad adag oo xaqiiqada ku salaysan. Wararka lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kaadiriinta Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ay u muuqatay in aan Xaglotoosiye la imaan karin tiradii shacabka codeeya ee Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka looga baahan yahay. Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga badankooda ayaa isla gartay in aanay suurtogal ahayn in Magaalada Buuhoodle oo ah degaanka uu ka soo jeedo Xaglotoosiye ay doorasho ka dhacdo, sidoo kale waxay xaqiiqsadeen in aanu Gobolada Sool iyo Sanaag ka heli karin taageero ama codad dabooli kara taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ku leeyahay Gobolka Awdel iyo Baki oo la filayo hadii Xaglotoosiye la doorto in aanay Kulmiye u codeyn doonin marka doorasho timaado. 30 000 ilaa 40 000 oo cod qiyaas ahaan ayaa xisbiga Kulmiye ka filayaa in Madaxweyne Kuxigeenka Saylici uu degaamadiisa ka keeno, halka Xaglotoosiye ay ku adkaan doonto 1000 ilaa 2000 oo cod, maadaama aan degaamadiisii laga codeynayn. Caqabada Labaad ayaa ah musharaxnimada Madaxweyne ku xigeenka Saylici oo ay cadahay inuu taageero ka haysto Madaxweynaha iyo tiro badan oo ka tirsan xubnaha Golaha Dhexe, sidoo kale saaxiibo badan ku leeyahay Xisbiga Dhexdiisa. Arinta Sadexaad oo niyad jabka weyn ku riday ayaa ah isagoo waayey inta badan Xubnaha Beelaha Harti kaga jira Golaha Dhexe ee Kulmiye. Xaglotoosiye ayaa si uu u daboolo taageero la’aantiisa wuxuu xaflado ka abaabulay Magaalooyinka Laascaanood iyo Burco kuwaas oo ay ka soo qayb galeen dad inta badan ku caan baxay inay xaflad walba tagaan ama ka qaybqaataan Banaanbaxyada qorsheysan. Dhanka kale Xaglotoosiye ayaa saxaafada ka sheegay in degaamada SSC dhamaantood laga codeyn doono taas oo la wada ogsoon yahay in aanay suurtogal ahayn oo degaamadaas ay ka jiraan duruufo adag oo aan sahlay in degaamo badan doorasho ka qabsoonto. Warar kale ayaa sheegaya in is sharaxaada Xaglotoosiye ay salka ku haysay inuu dib u helo balan qaad kursigiisa Wasiirnimo, waxaana la xaqiijinayaa in ayaamaha soo socda uu heli doono balan qaad inuu sii ahaan doono wasiirnimadiisa haddii Xisbigu ku guuleysto 2017, dabadeedna uu ku dhawaaqi doono inuu u tanaasulay Musharax Saylici. Maaha markii ugu horeeyey ee Xaglotoosiye si qalad ama aan ka fiirsasho lahayn isu sharaxay, horey ayuu u soo maray Puntland iyo SSC, waxaana dhici karta in maray noqotaba uu Somaliland ka sii gudbi doono. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here