Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo dhoofay iyo C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo Muqdisho looga tegay

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga qeyb galayo tacsida iyo aaska wiilka uu dhalay xaakimka Dubai Sheikh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum oo isagoo 33 sano jir dhowaan geeriyooday Sabtidii markii wadnuhu istaagay, iyadoo maantana la aasayo. Madaxweynuhu wuxuu xilkii kusimenimo iyo sii wadida shirka wadatashiga siyaasadda Soomaaliya ee Muqdisho ka socda ku wareejiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo hadda gudoominaya shirka. Shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxweynaha Koonfur Galbeed shariif Xasan oo aaday dalka Sacuudiga isagoo gudanaya waajibaadka xajka. Waxayna arrimahan weji gabax ku noqdeen maamulada Jubba iyo Puntland oo Muqdisho ku sugan, isla markaana doonayay inay culeys siyaasadeed saaraan madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ka xumaaday inay shirka uga tagaan labada mas’uul ee ay is hayeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here