XASAN SHIIKH OO U DHOOFAY ADIS-ABABA IYO SABABTA SAFARKIISA

0

MUQDISHO- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir Madaxeedka Midowga Africa oo maanta ka furmaya Magaalada Addis-Ababa, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya. Shirka ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin, Hiigsiga horumarineed ee Qaarada Africa ee 2063, Doorashada Guddoonka AUC oo ay sannadkan u sharaxan tahay Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Mohamed. Socdaalka Xasan ayaa meesha ka saaraya warar maalmihii dhowaa la isla dhex marayey oo ku saabsanaa in madaxweyna uu ka baaqsan doono shirkaas, taa beddelkeedna uu Soomaaliya matali doono wasiirka arrimaha dibedda Cabdisalaan Cumar Hadliye. Safarka ayaa kusoo beegmaya xilli uu xalay 180 xildhibaan ku qaabilay madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo uu ku muujiyey taageerada uu ka haysto xildhibaanada.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here