Nin wariye ah oo ka tirsanaan jiray kooxda Alshabaab, ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu helay danbi inuu soo abaabulay dilka shan wariyayaal. Maxkamad milatari ee magaalada Muqdisho ayaa ku xukuntay dil toogasho. Hassan Xanafi ayaa lagu soo xiray Kenya laba sano ka hor. Wuxuu markii hore ka soo shaqeeyay raadiyo ay leeyihiin Alshabaab. Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu qatarta badan ee wariyayaashu ay ka shaqeeyaan. Sida ay sheegtay gudiga badbaadada wariyayaasha, soddon iyo saddex wariye ayaa lagu dilay tan iyo labada kun iyo toddobadii. DAAWO XUKUNKII https://youtu.be/pnTWhmCaMbI]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.