Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Puntland oo Boosaaso lagu dilay

0

Waxaa goor dhawayd magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari lagu dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xassan Firdhiye waxayna wararku sheegayaan in ay toogteen rag bistoolad ku hubaysan, waxayna warar soo baxaaya oo aan si dhaba loo xaqiijin karin shegayaan in gacanta lagu dhigay labba nin oo dilkaas geystay. Xeer ilaaliyaha ayaa lagu hor dilay maxkamada ciidamada qalabka sida oo ku taal bartamaha Magaalada Bosaaso sidaasna uga fogayn Qaybta Booliska Gobalka Bari iyo Saldhiga Bartamaha Bosaaso. Waa masuulkii sadexaad ee wax ka yar labba todobaad si bareera loogu dilo bartamaha Magaalada Bosaaso. Dilkan ayaa kusoo aadaya xili ciidamadu ku daba jireen ragii diley taliye ku-xigeenkii sadexaad ee ciidamada Booliska iyo Maamulihii Madaxtooyada Bosaaso.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here