Xiisad ka dhalatay dilka sarkaal u shaqeynayey UN oo Beledweyne ka taagan

0

Xiisad ka dhalatay dilka sarkaal u shaqeynayey hey’adda Qaramada Midoobay oo la oran jiran Mahdi xasan Shiikhaal, oo shalay galab lagu dilay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa weli ka taagan magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee maamulka gobolka Hiiraan ay dileen sarkaalkaasi inkasta oo aan la ogeyn sababta dhabta ee loo dilay. Magaalada ayaa waxaa soo buux dhafiyey Gawaadhida dagaalka iyo maleeshiyo beeleedyo iyagoo ka cadhaysan dilka marxuunkaasi. Odayaasha Dhaqanka ayaa isku dayay inay xaalada dejiyaan inkastoo wali xiisadu taagan tahay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here