Xiisadihii Berbera oo Weli taagan Iyo Odayaal kulan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo

0

Guddi Odayaal ah oo ka tirsan wax-garaadka Gobolka Saaxil, oo qasriga Madaxtooyadda Shalay kullan kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ayaa faro-madhan la soo laabtay, kadib markii laga diiday dalabkoodii, isla markana dheg-jalaq cidi u siin waaydey, doodo garawshiiyo leh oo ay Madasha kusoo bandhigeen. Kullanka labada dhinac oo ahaa mid aan Saxaafadda loogu talo gelin, ayaa sida ay u sheegen Wargeyska Yool ilo ku dhow-dhow qasriga Madaxtooyadda, tiradooda ergada Odayaasha oo lagu sheegay 17 Xubnood, waxa ay kullan fool-ka-fool ah isku wajaheen Madaxweyne Siilaanyo oo ay wehelinayaan laba xubnood oo ka tirsan golihiisa Wasiiradda, kuwaasoo sida iluhuu tibaaxen Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali gadh-dheer. Geesta kale, warar kullanka la xidhiidha waxay xuseen in ergadii ka socotay Odayaasha Gobolka Saaxil intii kulanka lagu jiray waxa ay Madaxweynaha u gudbiyeen badheedhahooda ku aadan shaqaaqooyinka iyo xiisada ka taagan Magaalada Berbera, sidoo kale-na sida xoggaha lagu sheegay waxa ay ku doodeen in Xukuumaddu khiyaamo kula kacday, isla markana Xabsiga dhigtay shaqsiyaad Xukuumaddu bartilmaameed uga dhigtay inay ku lug leeyihiin kacdoonka ka dhanka ah Wareejinta Haamaha. Waxa kaloo, wararku intaa ku dareen in Odayaashu Madaxweynaha usoo jeediyen tallooyin ku saabsan xal u helida shaqaaqooyinka Gobolka Hadheeyey, kuwaasoo sida xogaha lagu xusay ay ka mid yihiin in Gobolka dib looga soo qaado, Ciidamada tirada badan ee la geeyey, maalmihii lasoo dhaafay. In si shuruud la’aan ah xoriyadooda loogu soo celiyo shanta Nin ee Xabsiga ku jiraa. Docda kale, waxa xoggihii intaa ku dareen in Madaxweyne Siilaanyo arrimaha kaga dareen celiyey in Odayaashu marka hore soo xareeyan Dableyda Buuraha gashay, hase-yeeshee sii deynta ragga xidhan uu noqon doono marka kaddib, isagoo sidoo kale-na waxa iluhu intaa ku dareen Madaxweynuhuu Odayaasha ka codsaday inay u baxaan Gobolka maanta. Dhanka kale, Wararka ka imanaaya Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in dhalinyaro iyo Dumar gadood-sani mudaharaadka ka sameeyen badhtamaha magaalada Berbera, iyagoo sidoo kale-na Taayiro ku gubay qaybo ka mid ah Magaaladda, mudaharadayaasha ayaa ahaa kuwo dareen kooda ku muujinaayey sida ay uga soo horjeedan wareejinta Haamaha Shidaalka. Maaha markii ugu horraysay dhaq-dhaqaaqyo xaasaasi wata ka dhacdo Magaalada Berbera, hase-ahaatee tan iyo intii ka danbeysay markii Madaxtooyaddu Heeshiis qarsoodiyo oo ay la gashay kooxo ganacsato ugu ogolaatay inay ku wareejiso muddo 20-tan Sanno ah, maamulka iyo gacanku haynta Haamaha Keydka Shidaalka ee Qaranka, waxa marba marka ka danbeysaa sii kordhaayey saluuga dadweynaha gobolku kaga soo hor-jeedan heeshiiska sharci darrada ah ee wareejinta Haamaha. Dhaq-dhaqaaqyada waxa ka mid ah shaqaaqooyin gacanka hadalk wataa oo kooxo diidan wareejinta Haamaha ka fuliyeen qaybo ka mid ah Wadooyinka Magaalada ku xidha Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer. Xigasho Wargeyska Yool]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here