XIISOOLE AADANKA HAWADA OO 50,000/ DOLAR SIIYEY SARAAKIISHA SNM EE MUUSE BIIXI IYO MAXAMED KAAHIN

0

Xiisoole Aadan Cali Ducaale (Aadan-ka Hawada) ayaa xalay fiidnimaddii magaaladda Hargeysa goob Cunto ku gudoonsiiyey lacag Dhan USD: 50,000/ (Konton kun) oo Dolar Saraakiisha SNM ee hogaamisa Xisbiga Kulmiye ee Kornayl Muuse Biixi Cabdi iyo Kornayl Maxamed Kaahin Axmed. Lacagtan Xiisoole Aadan-ka Hawadu gudoonsiiyey Saraakiisha SNM ayaan weli la ogaan ujeedada uu ka leeyahay bixinteeda, Inkastoo dad Isaga xog ogaal u ahi ku macneeyeen in ay la mid tahay lacagihii uu ku bixin jirey Mashaariicdii SSC iyo KHAATUMO wakhtigii uu xiisayn jirey. Taas oo macnaheedu yahay in uu ku bixiyey XIISAHA uu wakhtigan u hayo Saraakiisha SNM iyo Xisbiga ay madaxda ka yihiin ee KULMIYE. Gudoonsiinta lacagtan uu Xiisoole Aadanka Hawada gudoonsiiyey Saraakiisha SNM ayaa kusoo aadaysa xilli ay in badan oo ka mid ah qaraabadiisa oo abaarihii ba’anaa ee dalka ka dhacay naafeeyeen baahi xoog leh u qaban taageero dhaqaale oo ay ka helaan Xiisoole Aadan-ka Hawada. Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in bixinta lacagtan Xiisoolenimaddiisa kasakow ay u weheliso in uu ku fududaysto dhawr arimood oo kale oo ay ka mid yihiin:- 1. Furdaaminta caqabado ka jira khilaafaadyo awgeed Ciidankii CAAGLAHA ahaa ee Somaliland u qaramaysay. 2. Fududaynta Mashaariic kale oo laga fulinayo Degaamadda Beesha si uu mar kale u lunsado. 3. In ay codkiisa ka dhegaysan karaan Saraakiisha SNM ee Xisbiga KULMIYE oo ayaamahan dambe taageero u muujinayey Madaxda Khaatumo ee Hargeysa ku sugan. 4. In uu ku heli karo Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu xiisaynayo in uu ka mid noqdo. Isku soo wada duuboo ujeedadda uu lacagtan u bixiyey ayaa lagu macnayn karaa XIISOOLENIMO IYO LAALUUSH.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here