Xildhibaan British ah oo gudaha baarlamaanka Yurub lagu feedhay

0

Sida uu baahiyay taleefishinka Sky News waxaa gudaha baarlamaanka Yurub lagu dhex feeray siyaasi Ingriis ah oo lagu magacaabo Steven Woolfe kaas oo baarlamaanka Yurub u fadhiya dalkiisa Britain. Siyaasigan oo ka tirsan xisbiga UKIP ayaa la sheegay in si xun loogu dhaawacay gacan-ka-hadalka, waxaana falkani ka dambeeyay sida uu taleefishinku wariyay nin saaxiibkiis ah oo isla xisbigiisa ka tirsan. Wararku waxa ay sheegayaan in siyaasigan uu madaxa dhiig uga furmay kaddib markii mid feer ah wajiga loo geliyay kaas oo sababay in uu madaxa dhulka ku dhufsado isaga oo miir la`aan ah. Gacan-ka-hadalka ayaa yimid kaddib markii shir saakaydi hore uu xisbigu ku yeeshay gudaha baarlamaanka Yurub ayna labada nin isku af-dhaafeen, waxaana xigay in dhulka feer lala dhigo siyaasiga Steven Woolfe xilli duhurka ah oo saacadda lagu sheegay 12: 40 mirir. Ma cadda wali sababta keentay is af-dhaafka, balse siyaasiga la feeray ayaa loola cararay cusbitaalka. Jariiradda The Guardian ayaa qortay in ninka la feeray la wareegi rabay jagada hoggaaminta xisbiga oo uu iska casilay guddoomiyihii hore Diane James oo isagu xilkaasi hayay mudo 18-maalmood ah. Xisbiga UKIP ayaa ah xisbi u ololeeya in Britain ka baxdo daladda Midowga Yurub, waxaana uu baarlamaanka Ingiriisku ku leeyahay oo keliya hal kursi, halka in ka badan 20 xildhibaana ay u fadhiyaan baarlamaanka Yurub.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here