Xildhibaan diidey kordhinta baarlamaanka Puntland iyo mid kale oo lagu eedaynayo in uu kororka dabada ka riixayo

0

Dhegeyso xildhibaan Surcad https://soundcloud.com/garoweonline/xsurcad-caddaalad-uma-arko-in-la-kordhiyo-barlamanka   DHanka kale warsidaha GO ayaa heshay warar sheegaya in mid kamid ah mudanayasha aqalka shacabka Puntland uu yahay shaqsiga kaliya oo dabada ka riixaya in tirada xildhibaanada loo kordhiyo qaar ka tirsan beelaha daga maamulkaan. Maxamed Faarax Nuux ( Nuux Dheere) oo kamid ah Xildhibaanada kasoo gala gobolka Nugaal islamarkaana ka tirsan beesha Leelkase oo dhowaan kamid ahaa wafdi Madaxweynaha Puntland u raacey magalaada Muqdishu ayaa howshaan ololaheeda ka bilaabey magaalo madaxda Somalia isagoo diyaariyey kulan u dhexeeya Xildhibaanada beeshaan iyo Mudane Gaas kasoo lagaga hadlay qorshaha lagu kordhinayo tirada kuraasta Barlamanka Puntland. Nuux Dheere oo ka tirsan guddiga dhaqaalaha Barlamanka Puntland ayaa sanadihii ugu dambeeyey aad ugu dhowaa madaxtooyada Puntland isagoo qayb ka ah tiro xildhibaano ah oo xukuumada ka difaaca aqalka wakiilada Puntland. Warsidaha GO ayaa fahansan in Nuux Dheere marka la eego qaabka qaybsiga beelaha daga gobolka Nugaal aan dib loogu soo dooran doonin xubinimadaan taasoo dadaalkaan waqtigaan uu wado ku damacsan yahay in mar kale noqdo sanadka 2019 mudane ka tirsan aqalka wakiilada Puntland taasoo ka imaan doonta tirada mudanayasha la codsadey in loo kordhiyo beelaha qaar. Xildhibaankaan ayaa ka tirsanaa Barlamanka Puntland muddo 10 sano ah. Xogtaan ayaa sheegeysa in Nuux Dheere iminka ku mashquulsan yahay sidii lacag lagu laaluusho xildhibaanada Puntland loogu ururin lahaa beesha uu ka dhashey marka la gaaro kalfadhiga taasoo uu damacsan yahay Inuu ku bixiyo meel marinta codsigaan. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa deegaanada Puntland ka taagnaa dood xoog leh oo ka dhalatay markii Madaxweynaha Puntland waraaq u gudbiyay guddoonka Barlamanka si loo kordhiyo Xildhibaanada iyadoo lagu daro 7 xubnood. Xigasho: garoweonline.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here