Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka oo la siinayo shahaadooyinka Aqoonsiga

0

Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Aqalka Sare iyo kan Hoose ayaa qaatay shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga xildhibaanimo, waxayna xildhibaanadaasi kasoo jeedaan maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Xildhibaanada la siiyay shahaadada aqoonsiga maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Senatarkii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya lagu doorto Abshir Axmed Buqaari oo laga soo doortay magaalada Cadaado iyo Ilyaas Cali Xasan oo isna Baydhabo lagu soo doortay. Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa xaqiijiyay in la bilaabay bixinta shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga xildhibaanada labada aqal ayna maanta qaateen senataro ka tirsan Aqalka Sare iyo kan Hoose. Senatarada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee kasoo jeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan imaan magaalada Muqdisho, iyadoo horay Puntland ugu hortimid baaqii ahaa in xildhibaanada labada aqal yimaadaan Muqdisho si loo siiyo kaararkooda aqoonsiga, waxaana go’aankaas ku raacay Axmed Madoobe oo shuruud ku xiray in la xaliyo tabashada Puntland ay qabto. Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la iclaamiyay in 22-ka bishan ka dhacdo Muqdisho, halka doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ay dhacayso 28-ka bishan December.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here