Xildhibaanada Federaalka oo ansixiyey miisaaniyadda 2018

0

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018. Fadhiga maanta ee Xildhibaanada waxaa soo xaadiray 164 Xildhibaan, waxaana shir guddoomiyey ku-xigeenka kowaad Cabdiweli Sheekh Muudey. 162 Xildhibaan ayaa codka oggolaanshaha siiyey Miisaaniyadda 2018, taas oo ka badan tii sanadkan 2017. Miisaaniyadda 2018 ayaa in badan ka badan tii sanadkii 2017, waxaana ay gaareysaa $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar). Golaha wasiirada ayaa Miisaaniyadan ansixiyey 14-kii bishii Nofeembar. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kaga mahad celiyay dhamaan xubnaha golaha shacabka ee meel mariyay Miisaaniyadda, wuxuuna ku tilmaamay Talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here