Xildhibaanada Puntland oo Diyaarsanaya Hilibkii Ay Mar Kale Cuni Lahaayeen!

0

  • In xildhibaanadu ay wataan musharax Madaxweyne, kaas oo ay doonayaan in ay u so saaraan Xildhibaanada uu doonayo in ay codka siiyaan xiliga doorashada.
  • Xildhibaanada muddada dheer ku jirey Baarlamaanka ee ku dhex koray oo shaki ka qaba in ay dib u soo noqdaan sidaas darteedna ay gacantooda ku dhistaan guddiga xalinta khilafaadka.
  • In Xildhibaanadu u gogol xaarayaan damac la sheego in uu ku jiro Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo aan dooneyn in uu dib isu sharaxo sida isagu sheegay damacaas oo ah in muddo xiliyeedkiisa shanta sano ah looga dhigo lixsano.
  • Ma cadda in Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas uu u hoggaansami doono dalabka Xildhibaanada ee ay doonayaan in guddiga xalinta khilaafaadka ay gacantooda ku dhisaan, iyaga oo la og yahay in bisha Oktoobar 2018 wixii ka danbeeya la kala diri doono. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Puntland ka taagan ayaa  dad badan aaminsan yihiin in ay ka socoto Xildhibaanada beeluhu u dirsadeen Garoowe FIIRO GAAR AH:-Isimada Beelaha Qaar ee Kuraasta soo Xulaaya ayaa Waxay Barlamaanka Haatan Jooga Si Toos ah ugu Calaamadeyeen  In Ay Yihiin kuwo ay siiyan  Wakhtiyada Ay Soo Dhawaato Xulitaanka Mudanayaasha Laalush Taaso Sabaabay in Beelo Badan   oo Dulmi iyo Cadaalad Daro Badan Taabanayey  ay Diidan Nidaamka Dhaqan ee ay Hoostagaan Waxaase la Ogaan Doona in Ay isimadu ka Biya diidan dhacdadaas Quudhsiga ah ee Horbaxaanyada uu yihiin Mudanayaashan Aan Waxba Taarin Dadkoodi iyo Dalkoodiba Marka laga  Reebo Qoysaskooda. Goojacade News Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here