Xildhibanadaan oo abaabulkaan ka wadey asbuucyadii lasoo dhaafey magalaada Muqdishu ayaa wararku waxa ay sheegayaan in olole ay ugu jireen sidii qaar Beelaha xubnaha ay ku leeyihiin aqalka wakiilada Puntland loo kordhin lahaa tiradooda iyadoo wararku sheegayaan in arinkaas tageero iyo balanqaad uga haystaan gudoomiyaha Barlamanka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka mamaulkas.
Madaxweynaha Puntland oo xildhibaanadaan ay kulan kula qaateen magalaada Muqdishu bishii lasoo dhaafey ayaa wararku sheegayaan iney arinakaan kordhinta kala hadleen kuwasoo diidmo iyo ogolaansho midna aan kala kulmin.
Lama oga sababta kaliftey in xildhibaanadaan raadiyaan kororsiimo lagu sameeyo tirada aqalka wakiilada Puntland xilli Doorashada Madaxweyne-nimo ee maamulkaas ka hartey muddo ka yar Labo sano.
Barlamanka Puntland oo tiradiisu tahay 66 xubnood ayaa u qaybsan beelaha kala daga gobolada maamulkaas hoos yimaada iyadoo ah qodob kamid ah Dastuurka Puntland.
Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa Sadex sano kadib markii loo doortey xilka uu hayo kulan uu ku qabtey Garowe dhowaan ka sheegey in shacabka Puntland ay furan karaan xisbiyo siyasadeed kuwasoo la rabo in lagaga gudbo nidaamka Doorashada qabiilka ee uu ku dhisan yahay aqalka Barlamanka maamulkaas.
Nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ayaa noqdey mid hirgali waayey kadib markii sanadkii 2013 ka horyimadeen siyaasiyiin tageersan in nidaamka qabaliga ah noqdo midka Kaliyah ee wax lagu doorto kaasoo dib u dhac ku sameeyey hurumarkii maamulkaas.
Goojacade.com
Muqdisho-Soomaliya
Email:-Goojacadewebsite@gmail.com