XILDHIBAN GOODAX BARRE OO SHEEGAY IN DOORASHA SOOMAALIYA WADAMO SHISHEEYE FAROGELIN KU HAYAAN

0

MUQDISHO- Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa kahadlay doorashada lagu wado in dhawaan kadhacdo dalka waxaana oo sheegay in farogelin xoogan kuhayaan dowalado shisheeye. Goodax ayaa sheegay in dowladaha jaarka ah iyo kuwa carbeed ee faro gelin xoogan kuhayaan doorashada soomaaliya waxaana oo sheegay in aan loo dulqaadan karin. Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay in Dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti, iyo Imaaraadka ay yihiin kuwa ugu badan ee hadda faragelinta Ba’an ku haya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Inta badan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa heysta Dhalashada Wadamo kale, lamana oga sida Shaqsi heysta Dhalashada Dalka kale uu daacad ugu noqon karo Ummadda Soomaaliyeed.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here