Xildhibanada Gobolka Saaxil oo Ganafka ku dhuftay Laaluush Madaxtooyadu u soo dhiibtay laba Wasiir ku xigeen

0

Badi xildhibaanada Gobolka Saaxil ayaa ganafka ku dhuftay dalab Madaxtooyaddu usoo dhiibtay Laba Wasiir ku xigeen oo kasoo jeeda Gobolka kusoo loo soo xambaariyey inay Xildhibaanada Beeshooda kasoo dhaadhiciyaan Qorshaha dhaxal wareejinta ah ee Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo hore ay uu laaleen Mudanayaasha aqalka Wakiiladdu. Labadan wasiir ku xigeen oo kala ah Wasiirku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi (Cali gadh dheer) iyo Wasiirku xigeenka Warshadaha Md Cali Dhagoole, kuwaasoo waji-gabax kala kulmay badiba mudanayaasha laga soo doortay Gobolka Saaxil. Kaddib shalay kulan fadhi ahaa oo ay ku yeeshen Guri ay kireysay Marwada Qaranku. Waxanay Xildhibaanadu si cad dhabarka ugu jeediyeen Qorshaha Wasiirku xigeenada looga soo xambaariyey Madaxtooyada waxana dhicisoobey Laalushkii iyo dalabkoodiba, Mudanayaasha sida cad uu diidey Lacagta iyo mashaariicda Madaxtooyada ayaa kala ah sida. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Xildhibaan Xaamud Kara-sey,Xildhibaan Naasir Cali shire. Sidoo kale, waxa Xildhibanaada Laaluushka ka qaatay ee kasoo jeeda Gobolka Saaxil kala yihiin Xildibaan Dable, Xildhibaan Waysa Cadde iyo Xildhibaan Siciid Cartan kusoo la siiyey Lacag iyo Mashaariic kaloo ay Madaxtooyaddu ugu balan-qaaday. Waxanay noqon doonaan Saddexdan Xildhibaan ayey eegayaan Indhaha dadweynaha Gobolka saaxil kusoo laga yaabo inay guryaha ugu daatan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here