XILKA QAADISTA WASIIR BAASHE CALI JAAMAC IYO SAAMEYNTA KULMIYE IYO XUKUUMADIISA

0

Shacabka degaamada Khaatumo Isku shaandhayntii Xukuumadda Somaliland lagu sameeyey waxay u arkaan mid looga dan lahaa in lagu xalaalaysto XIL KA QAADIST Wasiirkii Khayraadka Biyaha BAASHE CALI JAAMAC, iyadoo dad badani ay aad uga xumaadeen arintan. SAAMEYNTA XILKA QAADISTIISA GOBOLADA SSC: Ilaa 100 qof oo Laascaanood iska diiwaangeliyey oo Kulmiye taageersanaa, waxay sheegeen in aanay u codeynayn Xisbiga Kulmiye marka doorashadu timaado, iyagoo go’aansan doono inay codeynta iska dhaafaan ama Xisbiga WADDANI u codeeyaan. Waxay kor u qaaday taageerada Waddani ee Gobolka Sool, halka ay hoos u dhac weyn ku keentay Taageerada Xisbiga Kulmiye. Dadku waxay lumiyeen aaminaadii Xukuumada Somaliland, iyagoo ay isu qaban wayday amaantii Madaxweyne Siilaanyo iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ay u jeedinayeen Baashe Cali Jaamac markii ay socdaalka ku marayeen Gobolada Bari iyo eriga lagu sameeyey markii ay Hargeysa ku laabteen. Guud ahaan dadku waxay ka aaminka baxeen Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa, mana rumaysna waxkasta oo lala galay ama mustaqbalka lagula heshiiyo inay wax ka hirgelayaan. Ilaa shalay waxaa Shacabka degaamada Khaatumo ku sheekaysanayeen in Baashe loo eryey si Wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi Cabdi ugu gacan banaanaan lahaa Gobolada SSC, waxayna ku kaftamayeen WASUURUL-MUSTACMARAADKA ayaa inoo wasiir ah. Xil ka qaadista Baashe Cali Jaamac waxaay cadeysay in Somaliland iyo Xukuumada Kulmiyeba aanay tixgelin Qofka Somaliland wax u qabta, balse ay kasii jeceshahay kan dibin-daabyeeya, haddii wax qabad agteeda qiimo ka leeyahayna Wasiir Baashe Cali Jaamac ayaa lagu sharfi lahaa. YAA KU FARXAY XILKA QAADISTA BAASHE: Dhanka kale xubno badan oo dano gaar ah leh ayaa ilaa shalay ku jiray DHEGDHEER DHIMATOO DHULKII NABAD. Kuwaas oo xafladayn ku jiray tan iyo markii uu soo baxay liiska Isku shaandhayntu. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu horeeya qof ka nasta hankii iyo hamigii Baashe iyo midnimadii Maxamuud Garaad oo dadbadan caqabad ku ahayd, wuxuuna gacan banaani u helayaa wixii uu Baashe ka hortaagnaa oo ah qaybi oo xukun. Agaasimihii Guud ee Khayraadka Biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa isna ilaa shalay Wasaaradii laga yureeyey dhexdeeda ku xafarayey, isagoo ku xamdiyayey ilaaha adeeradii Awooda Somaliland u dhiibay. Xildhibaanada Isxambaarka iyo Qoraxjoogta ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn ee Kun kunka doolar lagu hawl geliyo iyagoo aan jawaab celin ayaa u arka in caqabad weyn ka degtay, oo ay waxoodii ay 25 sano ku soo jireen fadhanayaan. Cuqaasha Sadex boqollayda ah ee Maxamuud Barri ee tooska looga amri jiray Madaxtooyada ayaa iyana nefisay, sababtoo ah waxay badankoodu rabaan inay waxooda yar kasaad isaga cunaan, iyagoo u arka in danta Guud ee Baashe sheegayaa ay ka fiican tahay jubuqsiga 300 ee dollar. Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaan la garanayn sababtuu ugu farxayo Isku shaandhaynta Xukuumada. Baashe Cali Jaamac ayaa isna ilaa habeen hore xafladaynayey, isagoo ku faraxsan, inuu ka badbaaday horgal, danayste ah, hanyare dambas kala bood ku shaqaysta iyo inuu soo bandhigay dhaliilihii Xukuumada. YAA KU KHASAARAY, YAASE KU FAAIIDAY? Guud ahaan Xilka qaadista Baashe Cali Jaamac waxaa ku khasaaray Xisbiga Kulmiye oo uu xitaa xubinimadiisii uu waayayo markuu xilka waayo. Waxaa ka faaiiday Xisbiga WADDANI oo taageerayaashii ka aaminka baxay Kulmiye ay u wareegi doonaan, iyagoo filaya In Baashe Cali Jaamac uu ku wareegi doono Xisbiga WADDANI, oo ahayd hadalta ugu badan ee Laascaanood 24 saac ee tegay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here