Xiriirka Ruushka iyo Turkiga oo soo hagaagaya iyo dalxiisayaal turkiga ka degay

0

Diyaaradii ugu horeysay ee sida dalxiisayaal ruush ah ayaa maanta ka degtay magaalada loo dalxiiska tago ee Antalya, Turkiga, tan iyo markii uu sanadkii hore xumaaday xiriirka diblomaasi ee labada dal. Ruushka ayaa joojiyay dhammaan diyaaradaha dalxiiska iyo shirkadaha safarada ee Turkiga ka aadda, ka dib markii ay xukuumadda Ankara soo riday diyaarad dagaal oo uu Ruushka leeyahay bishii November. Todobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Putin ayaa xayiraadaasi qaaday ka dib markii uu warqad raali-gelin ah ka helay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Dalxiisayaasha Ruushka ayaa dhaqaale badan geliya Turkiga, dalkaasoo ay si weyn u saameeyeen weerarrada argagixisada ay la beegsadaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here