Xisbiga WADANI iyo Kooxdii Xirsi oo kulan ku yeeshay Hargeysa

0

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay kooxdii ka baxday Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada ee uu hogaaminayey Xirsi Cali Xaaji Xasan. Kooxdan oo uu Xisbiga Waddani mudo dheer ku eedayn jiray inay aabe u yihiin maamulxumo, musuqmaasuq iyo horumar la’aanta Somaliland ku habsatay, ayuu hada kala hadlayaa siday xisbiga ugu biiri lahaayeen. Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa waxay isweydiinayaan, haddii Kooxdani ay ku biirto Xisbiga Waddani, waxa uu ku dhaliili doono Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ama waxa cusub ee uu balanqaadi doono iyo sida loo aamini doono. Kulan labada dhinac waxa xagga Xisbiga WADANI hoggaaminaayay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayeen Ku-xigeenadiisa iyo Xoghayaha guud Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, dhanka kalena waxaa ka soo qaybgalay dhamaan xubnihii kooxdu ka koobnayd. Kooxda oo markii hore mudo is adkaynaysay ayaa iminka u muuqday inay ka tanaasuleen dalabyadoodii hore, waxayna doonayaan inay meel uun siyaasada Somaliland madaxa kala soo galaan. Xirsi iyo kooxdiisa waxaa si gaar ah loogu xusuusta abaabulkii ay ku lahaayeen Dagaalkii Kalshaale oo dadka badani ku nafwaayeen.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here