Xisbiga Waddani ee G Sool oo Kulmiye ku eedeeyey khalkhal gelinta degaanka

0

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Sool Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Dheere) ayaa Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey qas abuuris iyo olole sharci daro ah ay ka wadaan Gobolka Sool. Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in masuuliyiin Goleyaasha ka tirsan oo Xisbiga Kulmiye u adeegayaa ay beryihii ugu dambeeyey Gobolka ka sameynayeen gudiyo been abuur ah oo ay ku sheegeen gudiga wacyigelinta diiwaangelin iyo gudiga beelaha Dhulbahante, iyagoo ka dhigaya gudiyo beesha Gobolka degtaa oo dhami u wada dhantahay oo dhexdhexaad ah, balse ah dad u adeegaya Kulmiye oo aan loo dhameyn oo ay rabaan inay shaadhkii beesha u geliyaan si loogu muraadsado. Gudoomiyaha ayaa sheegay inay soo xusheen dad iyaga u ololeeyaha oo ay doonayaan inay Komishanka Doorashooyinka iyo Xukuumada ugu sheegaan dad beeshu soo xulatay oo ka shaqeynaya wacyigelinta diiwaangelin iyo danaha beesha. Cabdi Dheere ayaa si aada ugu digay Xubnaha Golayaasha ku jira ee ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag Barri iyo Buuhoodle inay fadqalalo ka abuuraan gobolka iyo diiwaangelinta si isxambaar loogu noqdo, maadaama aanay haysan Kalsoonidii shacabka oo ay mudo dheer magacooda ku maxaafsanayeen. Gudoomiye Cabdi Dheere ayaa Komishanka iyo Xukuumada uga digay in loo hoos geliyo qorsheyaal Xisbi gaar ah loogu adeegayo, taas oo keeni karta inuu khalkhal ku yimaado Diiwaangelinta soo socota ee la filayo inay Gobolka ka dhacdo. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisii ku soo gebagebeeyey in Xisbiga Waddani uu diyaar u yahay inuu Komishanka Doorashooyinka kala shaqeeyo waxkasta oo suurtagelinaya in diiwaangelintu si habsami ah uga dhacdo Gobolka Sool, Balse aanay aqbali doonin qorsheyaal hoos gelis ah oo Xisbi gaar ah loogu adeegayo ama aan lagala tashan in Gobolka laga fuliyo, waxayna codsadeen in Komishanku si wadajir ah ula tashado masuuliyiinta Xisbiyada ee Gobolka, si looga hortago is afgaranwaa. Bilihii ugu dambeeyey waxaa Gobolka Sool tegayey masuuliyiin Goleyaasha ka tirsan kuna jira Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo lagu eedaynayo inay si hoose ugu ololeynayeen Xisbigooda inkastoo ay fagaarayaasha qaarkood kaga dhawaaqayeen in lays diiwaangeliyo, iyadoo ay barbar socoto shaki laga qabo in isxanbaarkii dib loo soo celiyo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here