Xog: Cabsida musharaxiinta oo sababtay in ay hal Hotel isugu uruuran

0

Muqdisho (Goojacade,com) – Wararka aan ka heleyno dhanka Musharaxiinta xilka Madaxweyne, ayaa sheegaya in walaac dhanka amniga ah uu lasoo darisay kadib markii ay heleen xogo muujinaaya in Al-shabaab ay wado qorsho lagu beegsanaayo. Musharaxiinta ayaa sheegay in xiligaani ay fooda nagu soo heyso Doorashada ay leeyihiin Cadow dhanka Siyaasada iyo mid Al-shabaab ah, loona baahan yahay in laga gaashaanto ka hor inta aanu dhicin falal amni darro oo lidi ku ah. Musharaxiinta oo intooda badan degnaa Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa iminka isku uruursaday Hoteel Jazeera oo ku dhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay walaac gaara ka muujiyeen in lagu weeraro Hoteelada kale oo aan amnigooda sugneyn. Musharaxiinta qaar ayaa qaatay dhowr Gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi-bilaha si ay uga gaashaantaan walaaca dhanka amniga ah ee lasoo darisay. Musharaxiinta aan heysan dhaqaalaha ku filan ayaa iyaguna qaatay ciidamo dhowr ah, oo ay uga gaashaantaan weeraro kaga imaada dhanka Al-shabaab iyo kuwa la Siyaasadeeyay. Musharaxiinta ayaa saacadihii ugu danbeysay ay lasoo daristay Cabsi dhanka Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Maxamed Maxamuud Culusow oo kamid ah Musharaxiinta uu sheegay in ugaarsi lagu hayo Musharaxiinta. Si kastaba ha ahaatee, walaaca Musharaxiinta ayaa sabab u noqday inay ka guuraan Hoteelada qaar, iyagoo isku uruuriyay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here