Xog: Farmaajo oo safarkii ugu horeeyay ku gaari doona mid kamid ah dalalka deriska

0

Muqdisho (Goojacade.com)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filaaya in safar uu ugu ambabaxo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dowladda Uhurro Kenyatta ayaa dhawaan shaacisay inay marti gelin doonto shir gaar ah oo Madaxda IGAD uga hadlayaan arrimaha qaxootiga. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in halkaasi uu uga qeybgali doono shir khaas ah oo u dhexeyn doona Madaxda Urur Goboleedka IGAD. Shirkaani ayaa waxaa si gaara looga arrinsan doonaa xaalada qaxootiga Soomaaliya iyadoo Madaxda ka qeybgali doonta shirkaasi ay go’aan ka gaari doonaan dhibaatada heysata qaxootiga Soomaalida ah. Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa xiligaani u dhexeeya Khilaaf la xiriira badda, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ay hor taala dooda labada dal u dhaxeysa.
Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha oo ku beegnaan doona dhamaadka bishan, ayaa waxaa barbar socon doona kullamo kala duwan oo uu la qaadan doono madaxda Africa ee qeybta ka noqon doona shirka. Dhinaca kale, Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku gaari doono magaalada Nairobi, ayaa noqon doona kii ugu horeeyay oo uu ku gaaro mid kamid ah dalalka deriska la ah Somalia. Goojacade.com Xafiiska Muqdisho Goojacadewebsite@gmail.com ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here