Xog: Is fahan-waa ka dhex jira dowladda iyo Mukhtaar Roobow

0

Qodobka dhaliyay is fahan waaga Wuxuu soo bandhigay Sheekh Roobow inuu doonayo la-dagaallanka al-Shabaab si ka madax banaan dowladda,balse qodobka waa ay ku diideen dhammaan mas’uuliyiinta uu la kulmay. Dowladda waxaa ay u sheegtay wadaadka dagaalka al-Shabaab inuu yahay mid caalami ah,suragal-na aysan noqon karin awood saddexaad oo dagaal ka bilowda guda dalka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u caddeeyay Roobow,waqtigan la joogo dowladda inaysan aqbali doonin koox kale oo dalka ka dagaallanta,taas badalkeedda cida dooneysa la-dagaallanka al-Shabaab wuxuu sheegay in laga doonayo dowladda inay ku soo biirto. Kulanka Roobow iyo madaxweyne Farmaajo Waxaa la sugaya kulan la sheegay inuu dhexmari doono Sheekh Mukhtaar Roobow iyo madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,sida ay Raxanreeb oggaatay kulanka wuxuu dhici kara maalinta Jimcaha ee berri ah ama toddobadka dambe. Kulanka wuxuu qeyb ka yahay wada-hadallada dowladda iyo Sheekh Roobow,natiijada ka soo baxda waxaa la aaminsan-yahay inay saldhig u noqon karto wada-hadalada. Dowladda wali ma soo bandhigin mowqifka uga aadan Sheekh Roobow oo mar soo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha al-Shabaab,balse isagoo Muqdisho jooga wuxuu caddeeyay kooxda inuu isaga baxay,waxaase la sugaya natiijada ka soo baxda wada-hadallada uu dowladda kula jiro. Gabagabadii,xog ay heshay GN ayaa xaqiijinaya inuu qaliin marey Sheekh Roobow muddadii uu joogay Muqdisho,waxaanna la sheegay in laga saarey dhagaxaan kilyaha uga jirtay,xaaladdiisa ayaa hadda wanagsan waxaanna lugu haya Hotelka Royal Palace (Ex City Palace), oo ku dhow xarunta NISA,ciidamo gaar ah ayaanna aad u adkeeyay amnigiisa. Goojacade News Muqdisho-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here