XOG: Jawaari iyo Xoosh oo wada qorshayaal ku aadan Dastuurka Federaalka Somalia

0

Magalaada Muqdishu ayaa asbuucyadii lasoo dhaafey waxaa ka socdey shirar looga hadlayo dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka qabyada ah ee Federalka Somalia kuwasoo uu garwadeen ka yahay wasiirka arimaha Dastuurka u qaabilsan dowlada Federaalka Somalia.

Warsidaha Goojacade News ayaa fahansan iney jiraan qorshayaal ku aadan qaababka codbixnta  loogu sameynayo Dastuurka qabyada ah ee dowlada Federaalka Somalia kasoo sida xogtaan sheegeyso si hoose uga wada shaqeynayaan gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Maxamad Cismaan Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka Federaalka Somalia Cabdiraxman Xoosh Jibriil.

Wararka ayaa sheegaya in qorshahaan ay ka wada shaqeynayaan labadaan mas’uul iyagoo marka hore tageero dhaqaale iyo in ay la qaataan fikrada ka raadiyey beesha caalamka iyadoo kulamo kula qaateen magalaada Nairibi bishii la soo dhaafey ee May. Barnaamijka ay Xoosh iyo Jawaari iibinayaan ayaa diirada saaraya in Dastuurka KMG uusan u bahaneyn Afti guud ee loo qaado balse lagu saleeyo codbixin ay sameeyaan dad laga soo ururshey qaybaha kala duwan ee bulshada kuwasoo lagu xereeyo goob kamid ah magaalada Muqdishu ama la geeyo doorashada qayb kamid ah magaalo madaxyada maamul goboleedyada iyadoo la raacayo nidaamkii doorasho ee 2016-kii

http://goobjoog.com/sawirro-guddoomiye-jawaari-iyo-wasiir-xoosh-oo-nairobi-kula-kulmay-beesha-caalamka/

Kulamada wasiirka Dastuurka uu ka bilaabey magalaada Muqdishu kuwasoo loogu Gogol xaarayo fulinta barnaamijkaan ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in la soo gaarsiin doono maamulada Somalia kuwasoo ku dhamaan doona in laga ansaxiyo sidii qorshahii 4.5 marka ugu dambeysay madaxda maamulada iyadoo loo qaban doono shirar lamid ah kuwii Madasha.

Wasiirka Dastuurka dowlada Federalka Somalia  Cabdiraxman Xoosh Jibriil iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Somalia Maxamad Cismaan Jawaari ayaa horey uga soo wada shaqeeyey barnaamjikii codbixnta kooban loogu sameeyey Dastuurka KMG Federaalka Somalia kaa soo khilaaf ka dhex abuurey maamulada dowlada  Federaalka ka tirsan iyo dowlada Federaalka ah.

“Barnamaijkaan hadii uu ku hirgalo sida  lagu wado taasoo ah  in Dastuurka KMG ah ee Somalia lagu  ansaxiyo nidaamka aftida kooban halkii la filayey in afti guud ee dalka  ka dhacda sanadka 2020-2021 uu qayb ka noqdo ayaa noqoneysa balan furyo kale ee lagu sameeyo shacabka Somalia.” Sidaas waxaa GN u sheegey qof xogogaal u ah  arimaha Federaalka Somalia.

Xafiiska QM u qaabilsan arimaha Somalia oo uu madaxda yahay Micheal Keating ayaa aad uga shaqeeyey sanadkii 2016 sidii shacabka Somalia xubnaha Barlamanada Federaalka u matali doona ku soo doortaan nidaamkii  4.5 kasoo QM balan qaadey in 2020 dadka Somalidu madaxdooda iyo Dastuurka ku soo dooran doonaan Hal cod Hal qof.

Dhinaca kale tan iyo intii la doortey xukuumada Ra’isal wasare Khayre waxaa socdey kulamo u dhexeeya wakiilada beesha caalamka ee dhaqaale ahaan tageera dowlada kuwasoo dabada ka riixaya in heshiisyo hordhac ah laga gaaro qaybsiga khayraadka dalka iyo dakhliga.

Wax qaybsiga hordhaca ah ayaa dib u dhac ku ah   in dowlada Federaalka Somalia awoodeeda ugu sareysa saarto sidii dalka Somalia u heli lahaa Dastuur taaba gal ah kaasoo kal hagi doona  maamulada iyo dowlada kuwasoo ku wada shaqeyn doona nidaam ku dhisan Federaal.

Dastuurka Federaalka Somalia oo laga sugayo dowlada Madaxweyne Farmaajo in afti dadweyne u qaado inta xafiiska ay joogto ayaa kala qeexi doona awoodaha dowlada Federalka ah iyo maamulada ka tirsan kuwasoo ay kamid noqon doonaan qodobo qeexa qaybsiga khayraadka dalka, dakhliga kasoo xeroodo dekadaha, garoomada iyo maqaamka magaalo madaxda Somalia ee Muqdishu.

Garoweonline.com

Faafing:Goojacade.com

Muqdisho-Soomaaliya

Email:-Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here