XOG MUHIIM AH:- Suuqyada Puntland Oo la Ciir ciiraya Lacago been abuur ah (False Money) ka dib lacagta Cusub ee Puntland

0

Garoowe:- Suuqyada Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa la ciir ciiraya lacago been abuur ah (False money) kuwaasi oo la rumaysan yahay inay Puntland kasoo galeen dhinaca Koonfureed lacagahaan oo lagu soo beegay lacagta Cusub ee Shilin-ka Soomaaliga ee Dowladda Puntland ay dhawaan soo daabacatay, lacagtaas oo lagu bixiyey mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada. In ka badan Seddex Makiinadood oo ah kuwa lagu daabaco lacagta been abuurka ah ayaa la sheegay inay yaallaan Magaalada Cadaado, kuwaas oo maalinkiiba soo saara Malaayiin Shilin-ka Soomaaliga loo ekaysiiyey gaar ahaan (Kun-ka shilling), lacagtaas been abuurka ah oo loo safriyo Puntland iyo Muqdisho, taas oo hadda si weyn looga dareemay Gudaha Puntland. Warsidaha PuntlandOne.com oo u kuurgalay Qaabka Lacagta Cusub ee Puntland soo daabacday ay Dadweynaha ugu fidday ayaa ogaaday in lacagtaas ay barbar socoto mid kale oo muuqaal ahaan u soo eg balse taabashada lagu kala garan, waxaana goobaha Ganacsiga qaarkood aad ku arkaysaa dadka Badeecada iibiya oo iska soocaya intii ay u aqoonsadaan inay been abuur tahay ama Faaliso. Ganacsatada Puntland ayaa cabsi ballaaran ka muujinaya in lacagta been abuurka ah Hantidooda lagu dhaco kaas oo loosoo dhexgalinayo lacagta cusub ee Dowladda Puntland ay soo daabacatay laguna daabacay Makiinad dowladdu gaar u lee dahay oo la keenay Magaalada Boosaaso. “Tani waa lacagta cusub ee Puntland soo samaysatay oo aan ka cabsi qabno inay Sicir barar nagu kiciso, tanna waa lacag faalso ah oo aan ka reebnay dad wax naga iibsanayey, saacad walba waxaa noo yimaada dad lacagta faalsada ah wata, lacagtaas oo ku dhex jirta lacagta Cusub ee Dowladdu keensatay” ayuu yiri C/Fitaax oo ka mid ah Ganacsatada Magaalada Garoowe. “Si xun ayay lacagta faalsada ah suuqqa u soo gashay xittaa Boosaaso ayaa laga sheegayey iyadoo la kala garan la yahay lacagta cusub iyo midda faalsada ah, waxaana tani ay keeni kartaa in hantida shacabka Puntland waraaqo been abuur ah lagu qaato” ayuu hadalkiisa raaciyey C/fitaax. Dowladda Puntland ayaa lacagta Cusub ee ay ku bixisay Mushaaraadka Shaqaalaheeda iyo Ciidamadeeda, Puntland si toos ah ugu fasaxday, iyadoo aysan jirin Bangi(Bank ) ay lacagtu dib ugu laabanayso si shilling Soomaaliga loo xakameeyo Dollarkuna uusan saro ugu kicin, waxaana arrinkaan Dadweynaha Puntland ay ka muujinayaan Walaac baahsan oo ay ka qabaan in Sicir Barar ay horseedi karta, si la mid ah Sanadihii 2005-2006 wixii Puntland ka dhacay. Xilligaas oo Xukuumaddii Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ay sidaan oo kale usoo daabacatay Shilling Soomaali ah oo fara badan lacagtaas sababtay Sicir Bararkii abid ugu xumaa ee Puntland ka dhaca, markaas oo Halka Dollar ($1) uu gaaray in ka badan Afartan Kun oo shilling Soomaali ah (40.000), sidoo kalena Maciishaddu ay sare u kacday, islamarkaasina Loorka Sonkorta ah uu gaaray Konton Dollar ($50.00) . Dhinaca Kale Warsidaha PuntlandOne.com ayaa ogaaday in Ganacsatadii Sarifleeyda lacagaha Qalaad gaar ahaan Dollar-ka intooda badan ay guryahooda seexdeen iyagoo ka cabsi qaba in Dollar-kooda lagu qaato lacago been abuur ah iyo in lacagtaan Cusub ee Puntland soo daabacday ay saamayn ku yeelato Dollar-kooda ay xilligaan gacanta ku haystaan. “Dollar-kii jeebka dambe ayaa la wada gashaday, inta badan sarifleyaashii masoo fariistaan qof walba wuxuu is lee yahay Dollarka ayaa kici doonee lacagtaada hayso oo hadhow dollarku markuu kaco, lacg badan ka faa’iid, waana arrinta walaaca ugu badan abuurtay, haddii ay sidaasi dhacdo waxaa xaalad adag soo wajihi doontaa qoysaska danyarta ah waayo waxaa kici doonta Maciishadda oo dhan” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cabdi oo ka mid ah Sarifleyaasha Garoowe. Ugu dambayntii Dowladda Puntland ayaa laga sugayaa inay jawaab ka bixiso Guuxa shacabkeeda ee ku aaddan arrimaha is feer socda ee cabsida laga qabo inuu Sicir barar dhaco iyo lacagta been abuurka ah ee lagu dhex qarinayo lacagteeda Cusub ee ay soo daabacatay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here