Xog: Puntland oo Isimadda SSC shirar ugu qabanaysa Garoowe iyo Buurawadal + Maxay tahay sababtu?

0

Maamulka Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey Garoowe ka waday abaabulka shirar loogu qabto Garoowe iyo Buurawadal Qayb ka mid ah Isimadda SSC. Isimadda Puntland shirarkan u abaabulayso ayaa tiradooda lqgu sheegay 7 Isim iyo hal wakiil Isim, kuwaas oo kala ah:- 1. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed 2. Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe 3. Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed 4. Garaas Saleebaan Buraale Aadan 5. Boqor Cabdillaahi Axmed Dabagooye 6. Ugaas Faarax Maxamuud (Faarax Dheere) 7. Suldaan Siciid Cismaan Cali (oo maanta Boosaso soo gaadhay). 8. Wakiil Garaad Cali Buraale Ujeedada ama sababta Puntland shirarkan u abaabulayso ayay wararku sheegayaan in ay ka mid yihiin:- 1. In Puntland Muujiso in ay Isimaddan iyo beesha SSC ee ay metelaan taageersan yihiin isla markaana ka mid yihiin Maamulka Puntland oo Dadka SSC horaantii 2012 ka samaysteen maamul iyaga u gaar ah oo ay KHAATUMO ugu magac bixiyeen. 2. In Isimaddu BAYAAN diidmo ah Tuulada BUURAWADAL kaga soo saaraan heshiiskii dhowaan madaxda Khaatumo la galeen Maamulka Somaliland, heshiiskaas oo Puntland u aragto in uu Amaankeeda iyo Jiritaankeedaba Khatar ku yahay. 3. In Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo dhowaan safar ku iman Doona Puntland lala kulan siiyo Isimadda SSC si Farmaajo loogu muujiyo in aanay waxba ka jirin Maamulkii Khaatumo ee Beesha SSC samaysatay ee Beeshu Dal ahaan iyo Dad ahaanba Puntland ka tirsan tahay. Puntland-na ay metesho, Masuulna ka tahay Degaamadda SSC. 4. In muujinta ka mid ahaanshaha Puntland lagu hor istaago samaynta Maamul (Ha ahaado kii hore ee Khaatumo oo dib loo cusboonaysiiyo amaba mid kale oo cusub) oo Dadka SSC leeyihiin kaas oo ka madaxbanaan Puntland. Qaar ka mid ah Isimaddan ayaa Aaminsan in la suurto geliyo shirkii Buuhoodle ee hore loogu dhawaaqay kaas oo ay ka rabaan in lagu dhiso Hogaan Cusub oo Khaatumo leedahay oo ka madax banaan kii hore Cali Khaliif u hogaamin jirey. Fikirkan oo ay la qabaan Hadhaagii G11. Sidoo kale waxay Isimaddani qabaan in Madaxweyne Farmaajo lagula kulmo Muqdisho si beeshu ka hadalka danaheeda ugu madaxbanaanaato. (Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe ayaa hogaaminaya Isimadda Fikirkan qaba). Qaar kale oo ka mid ah Isimaddan ayaa aqminsan in la iska daayo wax maamul ah oo ka madaxbanaan Puntland. Madaxweynaha Federaalkana lagula kulmo Garoowe iyadoo ay goob joog ka yihiin Masuuliyiinta Puntland. (Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa hogaaminaya Isimadda Fikirkan qaba). Waxaa Caasimadda Puntland ee Garoowe ka socda Kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin Isimadda SSC ee Fikradahan ku kala duwan. Kulamadaas oo ay isku deyayaan in ay fikradahooda ku mideeyeen. LA SOCO WARARKA DAMBE]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here