Xog-warran: Sidee ayuu Farmaajo u wajahi doonaa halista Kenya

0

Muqdisho (Goojacade.com) – Walow ay howlo iyo la tacaamul badan u yaalaan madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, ayaa haddana waxaa jiro xiiso gaar ah oo ku aadan habka uu ula macaamiilo doono Dowladda Kenya. Dowladda Kenya ayaa ciidamo waxay ka joogaan dalka Soomaaliya, waxaana labo weerar oo xoogan ay ciidamadooda kala kulmeen Al-shabaab kuwaasi oo kala ahaa Weerarkii Kulbiyow iyo Midkii Ceel-cadde. Farmaajo wuxuu marqaati ka yahay sida uu horey u sheegay dhibaatada shacabka Soomaaliyeed loogu geysto marka ay u safrayaan dalka Kenya, magaalada Wajeer ee gobolka NFD. Kenya ayaa dowladdii Xasan Sheikh la gashay heshiis xiligii shirkii IGAD ka dhacayay magaalada Muqdisho kaasi oo dhigayay in la yareynayo culeeska Soomaalida loogu geysto magaalada Wajeer. Heshiiskaasi dowladda Xasan Sheikh waxay dhaqan gelisay isla maarlintii xigtay oo Qaadka ayaa Muqdisho iyo gobolada dalka kasoo dagay, laakiin Kenya ma aysan dhaqan gelin oo seddex bilood ayay qabsatay. Wali waxaa taagan caqabadii Soomaalida heysatay, waxaana Jaadka uu wali kasoo dagaa magaalada Muqdisho, iyadoo Kenya aysan heshiiska dhaqan gelin. Soomaali badan ayaa hadda Kenya u arka cadowga koowaad ee Soomaaliya, oo xitaa ka xun Ethiopia. Kenya waxay dooneysaa inay boobto bad Soomaaliyeed oo kheyraad alle ku maneestay. Waxa xuduuda ka dhiseysa darbi ayada oo dhul badan Soomaaliya si qarsoodi ah uga darsatay. Waxay Jubaland ka dhistay maamul ayada hoos yimaada, oo cid kale aan maqal. Waxay isku dayda inay iibsato madaxtinimada Soomaaliya, ayada oo taageertay Raysal wasaarihi Hore ee Somaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Haddaba waxaa la isweydiin karaa sida uu madaxweynaha cusub ula macaamiilo doono Kenya, isagoo aan looga sheekeyneynin dhibaatada iminka ay Kenya ku hayso Soomaaliya, oo indhahiisa uu ku arko. Goojacade.com Xafiiska Muqdisho Goojacadewebsite@gmail.com  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here