Xog:Gaas oo La Kulmay Xildhibaanadi Fashiliyey Inqilaabki Dhicisoobay ee Shir Gudoonku Xukumadiisi Ku Sameeyey

0

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shalay [09 December, 2017] dib ugusoo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa la kulmay Xildhibaano diidan mooshin ay wadaan Guddoonka Barlamanka Puntland iyo Mudanayaal Taabacsan. Xildhibaanadan ayaa markii uu Gaas kasoo dagay Garoonka Kanooko soo dhaweyn u sameeyay iyagoo kulan kooban kula qaatay Xarunta Madaxtooyada kahor inta aysan u ballamin kulankoodii xalay. Xubnahan ayaa markii hore doonayay in ajandahooda ay soo gudbiyaan soo dhaweyntiisa kadib, balse ay usuuro gali weyday madaama goobta uu ku sugnaa Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Puntland Cabdixamid Shiikh Cabdi-salaan. Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan oo ka tirsan xubnaha gudoonka mooshinkaan wada, ayaa hadal kooban uu ka jeediyey kulanka Xildhibanadu ku soo dhoweynayeen Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in Puntland xasiloon tahay islamarkaana uusan jirin dhibaato ka taagan Barlamanka. Sida warsidaha GN ogaadey hadalka Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa ku gacan sayrey Xildhibano kale oo goobta ka hadlay kuwasoo sheegey in dhib ay jirto taasina ay tahay sababta Xildhibanada ugu wada sugan yihiin Madaxtooyada. Ilo xog ogaal ah ayaa Warsidahan u xaqiijiyay in shir xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland oo ay goob joog ka ahaayeen Gaas, Camey iyo 28 Xildhibaan ay kawada hadleen arrintan ololaha ka socda Garoowe ee ay garwadeenka ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka iyo xubno ka mid ah Guddiga Joogta ah. Kulankaan xalay ayaa waxaa aan goob joog aan aheyn Guddoonka Barlamanka gabi ahaan. Sida uu horay u baahiyay Warsidaha GN, Guddoonka Barlamanka Puntland ayaa doonaya inay saamayn ku yeeshaan magaabista Guddiga Khilaafaadka Doorashada soo socota ee la filayo inay dhacdo 2019 taasoo sida caadada ahayd uu bisha December soo magacaabi jiray Madaxweynaha xilka kasii dagaya.  28-ka Xildhibaan ayaa Gaas uga waramay wixii ka dhacay Puntland mudadii uu jiray Muqdisho, iyo dedaalkii ay ku bixiyeen inay hor istaagaan qorshaha lagu afduubayo awoodii uu kusoo magacaabi lahaa 7 xubnood ee guddiga Khilaafaadka doorashooyinka Puntland. Warsidaha GN ayaa fahamsan in arrintan uu walaac ka muujiyay Madaxweyne Gaas oo dhex-dhexaad ka muujinayay markii hore loollanka siyaasadeed ee ka socda Puntland, maadama uusan shaacin inuu raadinayo Madaxweynaha Puntland kalka soo socda. Xildhibaanada diidan mooshinkan ayaa Gaas u sheegay in Guddoonku ay ku doodeen in Madaxweynaha Puntland uusan murashax ahayn, sidaas awgeed ay doonayaan inay soo magacowdaan Guddigan si ay u fushadaan qorshayaashooda siyaasadeed taasoo ugu weyntahay in dib beelahooda u soo magacowdaan. Balse tallaabadan ayaa xogto tuhun galisay in Madaxweyne Gaas dhex-dhexaadnimadii hore wax iska badali doonaan maadaama uu doonayo inuu arrintan ka hortago. Wuxuu Xildhibaadii difaacay ee hor istaagay mooshinka u sheegay inuu ka dagaallami doono tallaabada Guddoonka ay maleegayaan. Wararka uu kulankaas ka helay GN ayaa intaas ku daraysa in 28-kaas mudane ay Gaas ku adkeeyeen inuusan marnaba ogolaan ama uusan dabac u muujin Guddoonka si aan loo baalmarin nidaamkii hore ee doorashooyinkii ka dhacay Puntland 19 sano ee ay jirtay. “Arrintan socota hadii ay sii adkaato oo ay jiitanto labada dhinacba qorshihiisa ku adkaysto waxaa laga yaabaa inay isu badasho mooshin ka dhan ah Guddoonka Barlamanka hadda hogaamiya Xildhibaanada,” sidaas waxaa GN u sheegay xildhibaan xog ogaal ah oo qariyay in magaciisa la xigto. Kulankan ayaa yimid xilli caawa [10 December, 2017] la filayo in Madaxweyne Gaas la kulmo Guddoonka Barlamanka Puntland iyo Xubno ka Mid ah Guddiga Joogta oo ay kawada hadlaan Inqilaabka dhicisoobay ee ay isku Dayeen  Taaso Mugdi siyaasadeed Geli laheyd Puntland. Kooxdan Uu Caawa la Kulmayo Madaxweynaha ayaa ah Koox Ku Caanbaxday  Ka Fa’iideysashada khilaafyada soo kala dhex Geli jiray Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa Taaso ay ku sameysan jireen Fursado siyaasadeed oo ugu danbeyn Keliftay in Mudddi Xileedki Xukumada oo uu muddo 1 sano ah ka hadhsan yahay in  La isku Daayo Uu Gogol xaadhitaanka Qorshihi 5ta Sano ee soo socota Lagu Miiran laha umadda reer Puntland  Taaso la filaayo In ay dabada ka riixayaan Murashaxiin is-qariinaya .  Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Puntland ka taagan ayaa  dad badan aaminsan yihiin in ay ka socoto Xildhibaanada Isimadu  u dirsadeen Garoowe .   Goojacade News Garowe-Puntland Email:-Gooajcadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here