sida aan Horey u sheegnay waxaa shirka London ee loo balansanyahay horaanta bisha may go’aamin doona in aysan soomaliya yeelan ciidanka xooga dalka soomaliya ee loo yaqaan Military. Qorshaha lagu baabinayo ciidamada xooga ayaa waxaa isla Gaaray Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo isku raaceen shirka Madaasha ee Lagu Qabtay 15-16 April 2017. Qorshaha lagu kala Yaareynayo ciidamada xooga ayaa caqaabado dhowr ah uga imaan doonan Dowlada federaalka ee Soomaliya waxaana ka mid ah:- 1.Ciidamada Ka soo Hara kuwa laga soo kala xulaayo maamulada oo ku dhiiran doona inay ku biiran Kooxaha Xagjiirka ah. 2.Ciidamada aan ku dhiiran ku biirida kooxaha Qalaalahaasa Geliyey soomaliya oo qalqal amni Ku abuuri doona magaalada muqdisho iyaga oo hormuud uu noqonaaya dhaca,Dilka iyo Afduubka. 3.shirka Madaxda qaranka iyo maamul Goboleedyada ayaa waxaa leysku raacay in la dhiso 18,000 askari oo ka iman doona kuna eekan doona xududaha isla maamulada ay ka imaanayaan.kuwaaso loo qeybsaan doona sida soo socota;- a.Puntland 3,000 b.Galmudug 3,000 c.Hirshabeele 3,000 d.jubbaland 3,000 e.Koonfur-Galbeed 3,000 f.Banaadir 3,000 Qorshaha lagu kala diraayo ciidamada qaar ayaa waxaa dhabaarka ka riixaya Dowlada Britian oo iyadu martigelinaysa shirka London . Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboledeeda ayaa uu muuqda kuwa aan ka fakarin in amniga magaalada muqdisho keliya aysan wax ka qaban kaarin ciidamada la soo xulaayo ee Tiraadooda lagu sheegay 18,000 Askari. Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ayaa waxaa Haatan ku sugan ciidamo Kor uu dhaaafaya 35,000 waxa aana xusid mudan in Magaalada ay ka dhacaan Qaraxyo iyo dilaal aan wakhtiyo farabadan uu dhaxeen. si Kastaba ha iska ahaate ,Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa aad loogu dhaliilaya go’aanka laga Gaaray shirka maalmo uun ka hor ku soo xirmay magaalada muqdisho ,waxa aana xusid mudan in walaac badan laga muujiyey waxa ka soo bixidoona shirka London. Goojacade.com Garowe-somaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>