Waxaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Ingriiska Philip Hammond. Wasiirka ayaa kulamo kala duwan waxa uu la kala qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxa UNSOM ee Soomaaliya Micheal Keatin iyo xubno kale. Wasiir Phillip ayaa sidoo kale booqday xero lagu tababaro booliska gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay maalgeliso dowladdiisa Britain islmarkaana ay iyadu tababarka siiso.]]>